Skip to main content

Vänsterpartiet – somaliska

Tani waa waxa uu doonayo Xisbiga Bidix inuu ka sameeyo Malmö

Xisbiga Bidix ayaa garabkiina ah – idinka oo ah kiraysteyaal, idinka oo ah arday, idinka oo magangelyo raadinaya. Waxaan doonaynaa isbadel-cimilada, waxaan maalgelin doonnaa daryeelka bulshada, waxaana dib u siin doonnaa awoodda dadka. Waxaan dhisi doonnaa Malmö oo isku xiran, iyo meel qof walba uu ka bixi karo deganaashaheeda oo uu ku noolaado. Taaskna waa Malmöda aan rabno inay Malmö Noqoto.

🏘️ Guryo jaban

Ku noolow qiimo jaban. Doog iyo cagaar. Meel qoyska oo dhan qaada. Sidan ayay Malmö noqon kartaa. Laakiin maanta, dhismuhu aad buu qaali u yahay kiradana waa la kordhiyaa sannadba sannadka ka dambeeya, qoysaska carruurta leh waa la barakiciyaa, dhallinyaraduna kama guuri karaan qoyskooda. Ma aqbali doono in suuqu uu go’aamiyo cidda awoodi karta inay ku noolaato Malmö. Waxaan qaboojin doonnaa kirada oo waxaan dhisi doonnaa guryo kiro ah oo jaban oo leg ilaha tamarta nadiifka ah ee soo saara koronto iyada oo aan lahayn waxyeelo. Waxaan abuuri doonnaa waddooyin carruurta u habboon oo cagaaran oo ay derisku ku kulmi karaan.

Xisbiga Bidixda wuxuu rabaa inuu:

● Joojiyo kirada qaaligaah – Joojiyo kordhinta kirada

● Waddooyin badan oo u fiican carruurta oo amni ah oo cagaaran

● Dhiso guryo badan oo jaban

✏️ Iskuullo wanaagsan

Maanta, macallimiintu waxay awoodoodu maraysaa heerka ugu dambeeya, arday badanna ma helaan caawimaadda ay u baahan yihiin. Ma sii ahaan karto sidaas. Carruurtu waa kalkaaliyayaasha mustaqbalka, kuwa  cimilada iyo injineerada mustaqbalka – dabcan waa inaan sameynaa maalgashiyada lagama maarmaanka ah! Waa inaan yareynaa cabirka kooxaga ee ardayda fasalada, shaqaalaysiinnaa macallimiin badan oo aan siinnaa taageero dheeraad ah ardayda u baahan. Iskuulku waa inuu ahaadaa mid dhow oo u shaqeeya qof walba, meel kasta oo aad kaga nooshahay Malmö.

Xisbiga Bidixda wuxuu rabaa inuu:

● hirgaliyo fasallo yaryar iyo kooxo carruureed

● Shaqaaleysiiyo macallimiin badan iyo shaqaale dugsi

● bixiyo lacag badan oo loogu talagalay taageerada ardayda

🧑🏼‍🚒 Shaqooyin badan, shaqooyin wanaagsan

Shaqo la’aan oo cirka isku shareertay, xaalado shaqo oo liita iyo mushaharo hooseeya. Waa la beddeli karaa. Waa inaan maalgelinnaa daryeelka bulshada oo aan shaqaaleysiinnaa kuwo badan. Intaa waxaa dheer, waa inaan kordhinnaa mushaharka ugu hooseeya si qof walba ay lacag ugu hartaa dhammaadka bisha. Waxaan abuuri doonnaa shaqooyin macno leh (oo ku haboon deegaan cagaaran), sababtoo ah cidna waa inaysan shaqo la’aan noqon. Laakiin shaqadu maaha noloshaada oo dhan. Waxaad sidoo kale u shaqeysaa si aad u awoodo inaad ku noolaato. Taasi waa sababta aan u rabno inaan yareeyno saacadaha shaqada si aad waqti ugu  hesho qoyska, waqtiga firaaqada iyo nolosha.

Xisbiga Bidix wuxuu rabaa:

● Kor u qaadida mushaharka ugu hooseeyaa

● Soo bandhigida shaqo 30 saacadood ah usbuuca

● Shaqaaleysiinta dad badan oo ku takhasusay daryeelka iyo abuurista shaqooyin cagaaran

Su’aalaha aastaanta guud 

🚃 Gaadiidka dadweynaha oo bilaash ah

Waxaan hagaajin doonnaa gaadiidka dadweynaha oo raqiis ah si dad badan ay u doortaan tareenka iyo baska marka loo eego gaariga. Tareenadu waxay ku shaqeyn doonaan waqtigii loogu talagalay iyada oo loo marayo maalgashiga tareenada. Iyada oo la adeegsanayo tigidh qaran oo Iswiidhan ah, waxaan ka dhigi doonnaa mid raqiis ah oo fudud in si joogto ah loogu safro dalka oo dhan! Muddada dheer, gaadiidka dadweynaha dabcan wuxuu noqon doonaa mid bilaash ah Malmö.

🌳 Kala-guurka cagaaran

Qiiqyada fosil waa in la joojiyaa iyada oo loo marayo maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo iyo ballaarinta wax soo saarka korontada maxalliga ah ee Malmö. Looxyada qorraxda ee dhismayaasha dadweynaha iyo cagaar badan ayaa magaalada ka dhigi doona mid waara oo qurux badan. Waxaan rabnaa inaan abuurno waddooyin carruurta u fiican oo cagaaran halkaas oo dadka iyo deegaanku ay ka horreeyaan taraafikada aan loo baahnayn.

⛑️ Daryeelka caafimaadka ee la heli karo

Daryeelka caafimaadku waa inuu had iyo jeer ku salaysnaadaa baahida oo waligiisna laguma socodsiin ujeedo faa’iido leh. Waxaan rabnaa inaan aragno daryeel ilko oo bilaash ah, daryeel caafimaad oo haweenka la xoojiyo iyo adeeg cilmi nafsi oo ballaaran oo leh safaf gaaban. Waxaan siin doonnaa ilo badan xarumaha caafimaadka si loo hubiyo in qof walba uu helo caawimo waqtigeeda ku habboon nidaam daryeel caafimaad oo siman oo la heli karo.

🌏 Siyaasadda socdaalka ee bani’aadamnimo ku salaysan

Waa inaan yeelanaa siyaasad socdaal oo bani’aadamnimo iyo taageero ku salaysn, halkaas oo dadka baxsadka ah ay helaan magangelyada ay xaq u leeyihiin. Ogolaanshaha degenaanshaha joogtada ah waa inuu noqdaa mid aanan wax iska badalaynin oo joogto ah, siyaasadda tarxiilka/masaafurintana waa in la joojiyaa. Malmö waxay ahayd oo ay sii ahaan doontaa deked rajo oo u taagan aadanaha iyo amniga.

❤️ Iskaashiga caalamiga ah

Waxaan u taagannahay midnimada caalamiga ah. Waxaan ka soo horjeednaa dagaallada qabsashada iyo gumeysiga ee ay taageerayaan dhoofinta hubka garabka midig iyo militariga. Xuquuqda dhammaan waddamada ee is-go’aan qaadashada waa in la ixtiraamaa oo la joojiyaa iskaashiga anshaxa aan habboonayn. Iibsiga dadweynaha ee magaalada Malmö waa in aan lala sameyn shirkadaha ama dowladaha gala dambiyada dagaalka oo ku xadgudba xuquuqda aadanaha.

🚩 Dimuqraadiyadda & Sinnaanta

Waa in la kordhiyaa lacagta hawlgabka, daryeelka waayeelka la xoojiyaa, dadka baahiyada qaaska ah leh waa in la la taageero oo la hagaajiyo daryeelkooda. Dimuqraadiyadda waa in la qoto dheereeyaa iyadoo la kordhinayo hufnaanta iyo fursado badan oo ay dadku uga qayb qaadan karaan go’aan qaadashada. Waxaan u dagaallameynaa bulsho siman oo ka xor ah takoorka, kala qaybsanaanta darajo iyo cunsuriyadda qaab-dhismeedka (cusuriyada qarsoon)

⚽️ Waqti firaaqo oo dheeraad ah

Qof kastaa waa inuu helaa waqti firaaqo oo qani ah oo leh hawlo xor ah, nolol bulsho oo firfircoon iyo goobo kulan oo furan. Maktabadaha/ laybareeriyadu waa inay lahaadaan saacado furan oo deeqa dadka oo ayna u dhawaadaan dadka magaalada oo dhan. Waxaan rabnaa inaan xoojino bulshada rayidka ah oo aan abuurno goobo kulan oo bilaash ah iyo ururo ammaan ah oo xor ah.

🥕 Nolol maalmeedka oo jaban

Qof kastaa waa inuu awoodaa qarash ahaan! Waa inaan ka dhignaa nolol maalmeedka mid raqiis ah annagoo dib u riixayna qiimaha xad dhaafka ah iyo xoojinta dhaqaalaha qoyska. Qofna waa inuusan ka walwalin kirada ama uu halis ugu jirin in laga saaro guriga. Annagoo canshuur badan ka qaadayna dadka ugu taajirsan, waxaan maalgelin karnaa daryeelka bulshada oo waxaan ka hor marin karnaa baahida dadka suuqa.

🎭  Nolol dhaqameed firfircoon

Dhaqanku waa qayb dabiici ah oo ka mid ah daryeelka waana inuu noqdaa mid la heli karo oo xor u ah qof walba. Waxaan kordhin doonnaa taageerada nolosha dhaqanka bilaashka ah, waxaan ballaarin doonnaa maktabadaha oo waxaan maalgelin doonnaa dugsiyada dhaqanka. Nolol dhaqameed firfircoon ayaa gacan ka geysan doonta bulshada, hal-abuurka iyo horumarka bulshada.

🏳️‍🌈 Queert Malmö

Malmö waa inay noqotaa magaalo ammaan ah oo loo dhan yahay oo au qayb ka yihiin dadka LGBTQIA+. Waxaan rabnaa inaan dhisno LGBTQIA+. Pride waa inay heshaa maalgelin muddo dheer ah daryeelka trans waa inuu noqdaa mid bilaash ah oo qof walba heli karo. Malmö, qof walba waa inuu xaq u leeyahay inuu noqdo qofkuu rabo.